عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The Sovereignty [Al-Mulk] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The Sovereignty [Al-Mulk] Ayah 30 Location Maccah Number 67

1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), Isagaana wax walba Kara.

3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.

5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka yeellay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta2, waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa ah.

6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado.

14. Miyuusan Ogeyn Kan abuuray (uunkiisa iyo arrimahooda)4? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah.

15. Waa Isaga (Alle) Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).

16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo5.

17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?

18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii?

24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada).

27. Markayse arkaan (cadaabka Alle) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah).

30. Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan, waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah6?